Khaiyre’s cabinet hold 1st meeting

PM Khaiyre’s cabinet ministers hold thier 1st ordinary meeting since approvement just 20 Hours before, PM Khaiyre urges all members to do hard as much as they can. Gov’t will continue to exert droughts, Security, diplomacy, law enforcement, rebiulding, reconciliation and so…

Advertisements

We eagrly waiting cabinet approvement, Tomorrow on 29 March parliament will approve designate Gov’t. 

Raxa Muxarrak, Haweeneydii U horesay ee Sucuudiyaan ah Oo Fuusha Mount Everest

Dunida waxaa ku yaala buuro aad u waaweyn oo cabiro dherer oo kala duwan leh, Si kasta ha ahaatee waxaa aad u yar tirada dadka go’aansada inay fuulaan buurahaas iskuna taxa lujiya inay soo taabtaan fiiqa sare ee buuraha.      

Markaan maqalo wuxuun ku saabsan haweenka sucuudiga waxaa isla markiiba madaxeena ku soo dhacaya inay yihiin haween muxaafid ah oo ka caagan dhammaan waxqabadyada jireed iyo nooc kasta oo Ispoortis,  

Si kastaba ha ahaatee haweeneydan yar oo sucuudiyaanka ahi ma aha oo keliya haweeynaydii u horreysay oo sucuudiyaan ah ee gaarta fiiqa sare ee buurta ugu dheer aduunka eeIfristi (mount everest) balse waxay meesha ka saartay dacaayaddii gaamurtay ee ahayd inaan haweenka sucuudigu ka qayb qaadan karin wax-qabadyada jireed.

Raxa Muxarrak oo ah 29 jir ayaa noqotay haweeneydii u horreysay oo ka soo jeeda dalka sucuudiga ee fuusha buurta ugu dheer aduunka ee la yiraahdo Mount everest”

Raxa Muxarrak oo si adag u tababaratay si ay u xaqiijiso riyadeeda ah inay fuusho isla markaasna soo taabato fiiqa ugu sareeya buurta ugu dheer caalamka ayaa sida la sheegay waqti dheer waxaa ku qaatay sidii ay uga dhaadhicin lahayd waalidiinteed inay xaqiijiso damaceeda ah inay fuusho buurta Mount everest iyadoo ugu damayntii waalidiinteed ka heshay ruqsada inay bilaabi karto safarkeeda. Raxa ayaa biloowday safarkeeda iyadoo wehelisa nin pakistani ah iyo nin kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada Qatar, Raxa ayaa sheegtay inay tahay haweeney sucuudiyaan ah oo samaysay waxaanay samaynkarin qaar badan oo raga kamida Waxayna intaa ku dartay inay waajahday xiligii safarkeeda dhiiri gelin la’aan fara badan iyadoo bulshada sucuudigu aysan arrintaan soo dhoweyn Inkastoo ay heshay kalsoonida walidkeed.Waxay kaloo sheegtay inaysan iyadda ahaan qiimo badan u lahayn inay tahay haweeneydii u horreysay ee sucuudiyaan ah ee gaarta fiiqa buurta ugu dheer caalamka balse ay dooneyso inay arriintaas sii wadaan gabdhaha kale ee sucuudiga iyo Jaziirada carabta ka soojeeda, Raxa ayaa sheegtay inay dooneyso inay waajahdo caqabadaha Jinsiga ee gobolka.

Raxa ayaa safarkeeda kadib qabatay Siminaaro kala duwan oo dhiirigelin ah iyo khudbado kicin ah oo waayo aragnimadeeda ay kula wadaagtay haweenka carbeed.

Raxa muxarrak ayaa hadda Jaamacada Synergy ee kutaal dalka Imaaraatka ku diyaarisa shaahaadada heerka labaad ee MBA da. Raxa waxay muddo ku noolayd kana shaqeynesay dalka Imaaradka

Create a free website or blog at WordPress.com.

Up ↑